12/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2024
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka furmay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, October, 2, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowlada Fedaraalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo madaxda Golaha diiradda ku saarayaan xaalada amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

"Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkaan goordhaw u furmay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka maqan  Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo wali khilaaf adag kala dhaxeeyo madaxda dowladda fedaraalka, waxaana shirkaan furimitaankiisa uu imaanaya, iyadoo mudo dhowr jeer oo hore uu baaqday qabsoomidiisa.