Jimco, October, 25, 2024 (HOL) - Howlgalka Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha (EUNAVFOR) ayaa sheegay in koox cusub oo looga shakisan yahay burcad badeednimo ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa suurtagalnimada in ay dib u soo cusboonaato howlgallada burcad badeedda Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan warar kala duwan, saddex iyo toban budhcad-badeed hubaysan ayaa ka ambabaxay degaanada Ceel Huur iyo Hobyo ee koonfurta Mudug, taasoo kor u qaadday qeylo dhaan kasoo yeeraysa maraakiibta ganacsiga.
Howlgalka ilaalada badda ee Midowga Yurub ayaa Dhammaan maraakiibta kula taliyay inay si taxadar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay illaa bishii June hakiyeen howlahooda cimilada oo xun awgeed, waxaana haatan oo cimiladu wanaagsan tahay laga cabsi qabaa inay dib u bilaabaan weerraradii ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga.
Burcad-badeedda ayaa waxay afduubteen laba markab, MV Ruen iyo MV Abdullah sanadkii hore dhammaaadkiisii, kuwaas oo mid kamid ah xoog lagu furtay, kan kalena madax furasho laga qaatay.