1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2024
Madaxweynaha Masar oo ku celiyay xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza

Isniin, October, 28, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-sisi ayaa mar kale soo jeediyay in xabad joojin laba maalmood ah laga hirgaliyo Marinka Gaza, si Israa’iil iyo Xamaas ay isku dhaafsadaan maxaabiista.

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale xusay in tobanka maalmood ee soo socda wada xaajoodyadu ay sii socon doonaan si loo dhamaystiro talaabooyinka lagu gaari karo xabad joojin buuxda oo Gaza lagu gaarsiin karo gargaar.

“Waxaan cadeyneynaa in walaalaheena Marinka Gaza ay wajahayaan go'doomin aad u adag, oo gaaray heer gaajo daran ah, waxaana muhiim ah in gargaarka uu sida ugu dhaqsaha badan u galo halkaasi”ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax Al-sisi.

Hadalkaan kasoo yeeday madaxweynaha dalka Masaraadi ayaa kusoo aadaya, iyadoo la filayo in dib loo bilaabo wadahadalada xabad joojin ee dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil.

Si kastaba ha ahaate dagaalada u dhaxeeya Israa’iil iyo xoogaga Xamaas ee Falastiiniyiinta ee soo bilaawday bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa galaaftay nolosha dad gaaraya In ka badan 42,924 qof.