12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 28, 2024
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Ka Warbixiyay Heerka Qabanqaabada Doorashada
 

Isniin, October, 28, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in qabanqaabada doorashadu ay marayso meel fiican, isla markaana ay rajaynayaa in ay qabtaan doorasho xor ah oo xalaal ah.

newsinsiGuddoomiyaha oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in hawsha u diyaargarowga doorashadu ay sifiican ugu socoto, isaga oo sheegay in dad ka badan 1 milyan cod bixiyayaal ahi ay u dareeri doonaan doorashooyinka sannadkan.

Waxa uu sheegay in magaalooyinka waa wayn laga isticmaali doono qalabka suga haybta codeeyaha ee sawirka bu'da isha, taasi oo uu sheegay in ay ka caawin doonto in la yareeyo qaladaadka cod-bixinta.

Xamaasada ollaha doorashooyinka Somaliland ayaa maraya meeshii ugu saraysay, iyada oo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo Ururka Kaah, ay ilaa hada soo bandhigeen cududu taageero oo laxaadle, halka sidookale xisbiyada iyo ururada kalena ay sameeyeen ollolayaashooda maalinta kowaad.

Intii olloluhu socday koomiishanka ayaa ganaaxyo kala duwan saaray xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah oo lagu eedeeyay xeer jabin, sidookale, waxa la ganaaxay qaar kamid ah saraakiisha xisbiyada.

Doorashadan ayaa ah tii labaad ee isku sidkan ee ka qabsoonta Somaliland muddo 2 sanno ah, waxa ayna codbixiyayaashu kala dooranayaan 3 musharax oo u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo 10 urur oo u tartamaya xisbinimo.