Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Sirdoonka Somaliland ayaa sheegay in lagu daba jiro qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo baastoolado iyo qoryo lasoo baxay intii uu socday isu-soo-baxa xisbiga Kulmiye habeen hore.
Hay'adda Sirdoonka ee NIA, ayaa sheegtay in lagu dabo jiro, lana soo xidhi doono ragan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargaysa, intii uu socday olloluhu fiidkii Salaasada.
"Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa" ayaa lagu yidhi qoraal ay NIA ku baahisay X.
Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan.
Waxa shalay dhamaaday wareega kowaad ee ollolaha doorashooyinka Somaliland, iyada oo uu xisbiga Kulmiye taageero xoogan kusoo bandhigay fagaareyaasha, waxaana maanta bilaabmay wareega 2aad, dhacdada taageerayaasha hubaysan xiliga ollolaha ayaa ah wax aan hore loogu arag Somaliland.