12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Soomaaliya iyo Abu Dhabi PORTS Group oo Heshiis Maalgashi Kalluumeysi ah kala Saxiixday
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group.

Heshiiskan ayaa lagu gorfaynayaa in la maalgashado kalluumeysiga iyo horumarinta dekedaha, si loo xoojiyo guud ahaan qeybta kalluumeysiga dalka.

Heshiisku wuxuu diiradda saarayaa sida wasaaraddu sheegtay, iskaashiga horumarinta dekedaha kalluumeysiga, dhismaha xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha kalluumeysiga. Sidoo kale, waxaa la qorsheynayaa in la hirgaliyo dekado kalluumeysi oo wadaag ah iyo in la abuuro dugsiyo tababar xirfadeed oo kalluumeysiga.

"Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qeybta kalluumeysiga,” ayuu yiri Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadam, ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo kororka iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, isla markaana wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha eek u tiirsan waxsoosaarka kalluunka."

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa sheegay in ay  ka faa'iidaysanayaan khibradda Abu Dhabi PORTS Group, oo dhawaan heshiisyo la saxiixday dalal ay ka mid yihiin Masar, Kongo, Angola, iyo Tanzania, si loo horumariyo adeegyada dekedaha iyo saadka ee Soomaaliya.