Hiiraan Online
10/31/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
Kooxo hubeysan oo Muwaadin Soomaaliyeed ku dilay dalka Koonfur Afrika
Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa deegaanka khayalisha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeysanaayay.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee burcadu dileen ayaa magacabiisa lagu sheegay Suleymaan Axmed Maxamuud, wuxuuna ahaa wiil aad u da'yar kana shaqeeynaayay dukaan ku yaala deegaanka Khayalisha.
Kooxda geystay dilka wiilkaan yar ayaa horay u qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka dhexyaalay, kuwaas oo dilka kadibna goobta isaga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray goobta lagu dilay wiilkan Soomaaliyeed ayaa sameeyay sidii caadada u aheyd baaritaan, hayeshee ma jirto cid ay u soo qabteen dilka loo geystay wiilka yar ee Soomaaliga ah.
Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan dilal joogta ah loogu geystay dhalinyarada Soomaaliyeed ee u ganacsi tagay dalkaas, mana jirto cid ka wax ka qabaneysa dhibaatooyinka ay ku hayaan burcada hubeysan ee u dhalatay dalkaas.