Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay isbeddelka lagu sameeyay howlgalka QM ee Soomaaliya
Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) loo beddelo howlgal KMG ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u ansixiyay Qaraar tirsigiisu yahay 2753 (2024), kaasoo u beddelaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) Hawlgalka Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo jeedintan soo gudbisay bishii Agoosto, taasoo kusoo baxday wada xaajood ballaaran oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNSOM,
Qaraarka ayaa loo gudbiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wada tashiyo badan ka dib.
Kala-guurkan ayay dowladda Soomaaliya u aragtaa guul diblumaasiyadeed oo muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, taasoo astaan u ah tallaabo dhanka ismaamulka iyo madax-bannaanida arrimaha siyaasadda iyo amniga qaranka.