12/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Siyaasiyiin si wadajir ah uga horyimid go'aanadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen si weyn uga horyimid go'aanadii kasoo baxay shirka Golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Warsaxafadeedka siyaasiyiintaan waxaa lagu cambaareeyay mudo kororsiga lagu go’aamiyey shirka golaha wadatashiga qaranka ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka, iyagoona nasiib daro weyn ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tumanaayo Dastuurka dalka.

"Go’aanku wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, waxayna halis ku tahay geedi socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Waxaan haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Warsaxafadeedka siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madoobe oo dhankiisa si cad diiday mudo kororsiga, sheegayna inuu maamulkiis uu u madax banaan yahay inuu qabsado doorasho.

Madaxda maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed ayaa Warsaxafadeedka loogu digay iney ka waan toobaan mudo kordhinta loo sameeyay, islamarkaana ay qabtaan doorashooyinka.

"Waxaan kaga digaynaa Baarlamaanka Federaalka ah in ay meel-mariyaan sharciyo ka hor imaanaya dastuurka, kalana dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalka, iyo muddo kordhin sharci-darro ah oo u adeegeysa damac siyaasadeed shakhsi ah. Waa in Baarlamaanku ku waano qaato waaya-ragnimadii laga dhaxlay meelmarinta damaca gurracan ee Madaxtooyada iyo halka ay ku danbaysay" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Siyaasiyiinta oo dhameystiran:-