Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Dagaal khasaare dhimasho gaystay ayaa maanta jiida u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qorilugud ku dhexmaray ciidamo beeleedka SSB iyo kuwa SSC Khaatumo.
Dagaalkan oo in muddo ah socday ayay SSB ku sheegeen in ay ku dileen qaar kamid ah askarta SSC isla markaana ay qabsadeen baabuur, dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca SSC Khaatumo.
Guddida Beesha Garxajis oo iyaguna goor dhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, ayaa sheegay in ay garabtaaganyihiin ciidamo beeleedka SSB, ee dagan aaga Qorilugud. Guddida ayaa marar badan hore ugu baaqday in si nabada colaada lagu dhameeyo.
Guddida ayaa Ciidamada SSC Khaatumo ku eedaysay in iyagu gacanta ku horeeyeen oo ay dagaalka soo qaadeen. Dagaalkan ayaa imanaya xili ay Somaliland ka socdaan doorashooyin oo ay ku jirto wakhti kala-guur ah.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan sheegay in anay hada qorshaha ugu jirin arrimaha gobolka Sool, dagaal iyo nabad mid toona, oo arrinta Sool laga tashan doono doorashada kadib.