Hiiraan Online
12/3/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2024
Xildhibaan Maxamed Abiib oo Xoriyadiisa dib u helay kadib Amar kasoo Baxay Maxkamada Sare ee Somaliland
Isniin, September, 30, 2024 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Mirre Giirre, ayaa warbaahinta u caddeeyay in xabsiga laga siidayay xildhibaanka kadib amarka kasoo baxay maxkamada.
Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga xilgudatay xadhiga xildhibaanka si waafaqsan dastuurka, waxa uu xusay in maxkamadu ay muujisay madaxbannaani, isaga oo bogaadiyay go'aanka ay soo saartay.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu ku baahiyay baartiisa Facebook ku yidhi "Waxaan xaqiijinayaa in aan xoriyaddaydii dib u helay. Waxaanna u mahad celinayaa cid kasta oo ka damqatay muddadii 30-ka maalmood ahayd ee aan sharci darrada ugu xidhnaa xabsiga Mandheera".
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa xadhiga Abiib ku tilmaantay sharci-darro, iyada oo hay'addaha xukuumada ugu baaqday in ay sharciga u hoggaansamaan.
Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay xeer ilaalintu ka gudbisay eedo qaran-dumisnimo ah, kuwaasi oo uu goluha wakiiladu cod caqlabiyad ah ku diiday.