4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2025
Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika
 

Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadkaan ka qabsoomaya dalka Morocco.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee tartankaan ka qeyb galaya ayaa heegankii ugu dambeeyay ku jira si ay guul wax ku ool ah uga soo hoyaan dhigoodi dalka Tunisia, waxaana Ciyaartooyda iyo Macalimiinta ay qabaan rajo wanaagsan inay kulankaan ciyaar wanaagsan ay soo bandhigi doonaan.

Kulankaan ayaa caawa marka ay saacadu tahay 6da Maqribnimo saacadda geeska Afrika la daawan doonaa, dhanka Xulka Tunisia iyaguna waxaa ka muuqda diyaar garow aad u sareeya.

Waxaa la filayaa in Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi Morocco ay si weyn uu u buuxin doonaan garoonka si ay garab istaag ugu muujiyaan xulka Qaranka Soomaaliya.

Waxaa la xusuusan yahay Sanadkii 2022-ka oo ay taariikh sameeyeen Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17jirada ay ku guuleysteen koobka dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee loo soo gaabiyo CECAF, xiligaas oo ay Xulka Qaranka Soomaaliya 3-1 kaga adkaadeen Koonfurta Suudaan.

Ugu dambeyntii 17 jirada Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in markale sanadkaan natiijo wanaagsan ka keenaan tartankaan Qaramada Qaarada Africa ee da'doodi ka yar tahay 17 jirada.