4/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2025
Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo goordhaw Shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
 

Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad la sheegay iney leedahay Qaramada Midoobay, xili ay dooneysay iney caga dhigato garoonka.

Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii diyaarada oo dooneysay iney soo caga dhigato garoonka ay u bixi weysay lugta hore, sidaasna ay ku soo degtay, taasoo sababtay in diyaarada shilka gasho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada markey shilka gashay in qeybaha hore ee diyaarada uu ka kacay dab, kaasoo damintiisa ay si deg deg ah ugu guuleysteen kooxaha dab damiska ee ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ilaa hada lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay goordhaw gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha garoonka oo ku aadan shilka diyaarada iyo khasaaraha ka dhashay.

Shilkaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor diyaarad nuuca xamuulka qaada ah ay ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay diyaaradaasi ay ku dhinteen shaqaalihii la socday diyaarada.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.