Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Itoobiya ayaa lagu wadaa inay door muhiim ah ka ciyaarto howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu sheegay warbixin dhawaan lagu daabacay jariidada Addis Ababa Standard.
Dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu ku biiriyo ku dhawaad 2,500 oo askari howlgalka AUSSOM, taasoo ka dhigaysa waddanka labaad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Uganda oo horey u soo dirtay 4,500 oo askari.
Soomaaliya ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay doorkii Masar ee howlgalkan sida uu qoray Addis Ababa Standard. Markii hore, Qaahira ayaa loo qorsheeyay inay Soomaaliya u dirto kumanaan askari, balse xiriirka dib u hagaagay ee Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sababay in Masar, oo markii hore la filayey inay ku hoggaamiso howlgalka 5,000 oo askari, ay hadda yeelanayso door yar oo kooban.
Booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan ku tagay Muqdisho ayaa lagu soo afjaray ku dhawaad labo sano oo uu jiray xiriir xumo u dhexeeyay labada dal.
Sida laga soo xigtay Addis Ababa Standard, Dowladda Soomaaliya waxay ka doonaysaa Itoobiya in ay joojiso faragelinteeda dibadda, gaar ahaan taageero ay siineyso Puntland iyo Jubaland.