Hiiraan Online
4/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2025
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo sheegtay inuu hakad galay Duulimaadyadii imaan jiray Muqdisho+Sababta
Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde, oo keentayba in guud ahaanba uu xirmo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay markii diyaarad UN-ka leeyahay ay shil ku gashay Garoonka.
Maareeye Axmed Macalin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Diyaarada ay saarnaayeen 22 Qof oo Shaqaale ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobeey ayna barqanimadii maanta u safreeysay magaalada Baydhabo balse ay u bixi waysay lugta hore ee diyaarada kadibna ay kusoo laabatay Garoonka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde international Airport.
Mareeyaha ayaa xusay inay diyaarada marsiiyeen habraac lagu yareenayay in khasaare xoog leh ay dhaliso cilada farsamo ee qabsatay ayna shidaalka diyaarada lagu sii daayay dhinaca Badda kadibna lagu guuleeystay in si tartiib loo dajiyo lana damiyo dab yar oo diyaarada ka kacay.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Diyaaradihii ka bixi lahaa Garoonka ay si dhaqse leh ugu wargeliyeen inay ka kicitimaaan kuwii kusoo wajahnaana lagu wargeliyay in cilad ay ka dhacday Garoonka sidaas darteedna la xiray Run way ga ah oo ah wadada dheer ay diyaaradaha ku ordaan marka ay kacayaan ama soo degayaan.
Waxaa soconayo howlgal diyaarada looga saarayo Garoonka si dib loogu furo Run Wayga ay diyaaradaha kusoo degtaan, waxaana Hay'adda Duulista Rayidka ay shaaca ka qaadey in ogeysiis inuu garoonka xiran yahay loo kala diray ilaa 193 dal.
Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka waxa uu shaaca ka qaaday in ilaa 5ta Galabnimo suurta gal ay tahay inay xirnaanto dhaq dhaqaaqyda dulimaadyadii imaan jiray Garoonka ilaa ay ka fududaato qaadista Diyaaradaasi oo dhex taala gudaha Run Way ga Garoonka.