Talaado, April 1, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysnaa oo galinkii hore ee maanta ciidamada difaaca deegaanka ee degmada Mahadaay ay ka fuliyeen deegaanka Cabdulle Barbaar oo ku yaala agagaarka Ciid Ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada deegaanka ay ku dileen ilaa 7 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, islamarkaana kusoo furteen hub, gaadiid iyo agab kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Cismaan Beerey oo hoggaaminaayay ciidanka howlgalka Fuliyay.
"Ciidamada waxay fuliyeen howlgal jidgal ah oo la qorsheeyay, waxaana laga fuliyay deegaano hoostaga Mahadaay sida Cabdulle Barbaar, iyo Ciid ciidka waxaana ku dilnay 7 Khawaarij ah oo sidoo kale aan ka furanay hub iyo Moto fekon ah" ayuu yiri Cismaan Beerey oo hoggaaminaayay ciidanka howlgalka fuliyay.
Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maalmahii dambe kusoo kordhaayay ciidanka difaaca deegaanka ee iska abaabulaya deegaanada gobolkaas, kadib markii kooxda Al-shabaab ee la wareegtay deegaano ka tirsan gobolkaas.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dhankeeda mudooyinkii u dambeeyay laba jibaartay dagaalka iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan gobolkaas, iyadoo kaa shaneysa ciidamada deegaanka iyo kuwa saaxiibada caalamka.