Sabti, February 1, 2025 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa si cad u beenyay inay bartilmaameed gaar ah ka dhiganayaan ajaanibta Itoobiyaanka ee ku sugan deegaannadeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa sheegay in howlgallada lagu beegsanayo dadka sharci-darrada ku jooga Puntland si qaldan loo turjumay, isagoo carrabka ku adkeeyay in ujeeddadu aanay ahayn oo keliya in la saaro dadka Itoobiyaanka ah.
Wasiirka ayaa xusay, in cid kasta oo aan sharci ku haysan Puntland loo celin doono dalkooda, isla markaana aysan jirin nacayb gaar ah oo loo qabo dadka ka soo jeeda Itoobiya.
Wasiir Juxa wuxuu sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay wararka ay faafiyeen warbaahinta Itoobiya, kuwaas oo maalmo kahor sheegayay in dad Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo kamid ah kuwii laga saaray magaalooyinka Puntland ee kasoo jeeda Itoobiya ayaa sheegay inay dib ugusoo laaban doonaan Puntland, iyagoo sheegay inay ahaayeen dad nolol usoo raadsaday Puntland, oo aan wax lug ah ku lahayn arrimo amni xumo.