2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2025
Boqor Buurmadow: Shirka Badhan Waa Mashruuc uu Ka Danbeeyo Xasan Sheekh
 

Sabti, February 1, 2025 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in shirka beelaha Dhulbahante iyo Warsangali ee kusoo gabagaboobay Badhan uu ka danbeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu yahay dhawaq colaadeed oo ka dhan ah Somaliland.

Buurmadow ayaa xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu doorasho ka qabto gobolladaasi. "Shirka Badhan waa mashruuc uu ka danbeeyo Xasan Sheekh Maxamuud, sida aanu xogogaal u nahay, isaga oo ula jeeda doorashada la marin habaabinayo ee uu ku sheegay in qof iyo cod ay ka qabsoonto Sool iyo Sanaag," ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Waxa uu sheegay in beelaha ku shiray magaalada Badhan ay go'aansadeen inay weerar ku qaadaan magaalada Ceerigaabo, isla markaana ay diyaarinayaan saanad ciidan oo loogu talogalay dagaalka.

Boqorku waxa uu intaa ku daray in isimada dhaqanka Somaliland ay nabad diyaar la ahaayeen, sidoo kalena ay aqbaleen dhexdhexaadinta isimmo uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye oo ka yimid Deegaanka Soomaalida. Hase yeeshee, Garaadada SSC, oo markii hore aqbalay dhexdhexaadinta, ay ka baxeen heshiiskaas ayna doorteen dagaal.

"Isimadu waxay tageen Laascaanood, nabad ayay ka keeneen, waxa ka daba yimid go'aan kale oo colaadeed, oo uu guddoomiyay Garaadka Guud ee Dhulbahante, isaga oo leh 'sidaa saca xagga hore aanu uga qawracnay xagga dambe ha looga qawraqo,'" ayuu yidhi Buurmadow.

Waxa uu sheegay in SSC-Khaatumo ay jebisay nabaddii, ciidankeeduna ay laayeen dad reer miyi ah, sidoo kalena ay dagaal qaateen, isla markaana ay dagaalka la qaateen oo ay dhankooda hadda u diyaar garoobayaan.

Shir shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Badhan oo ay ka qaybgaleen isimada dhaqanka ee Dhulbahante iyo Warsangali ayaa lagaga dhawaaqay dagaal ay beeluhu ku sheegeen inay Ceerigaabo ku qabsanayaan.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada Somaliland ay dhibaato u gaysteen qaar kamid ah bulshada Ceerigaabo, sida darteedna ay u diyaargaroobayaan dagaal ka dhan ah Somaliland.