Hiiraan Online
2/22/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Feb 1 , 2025
Madaxweyne Donald Trump oo qiray in Maraykanku duqeymo culus uu ka geystay buuraha Calmiskaad
Sabti, February 1, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga fuliyo duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo qorsheynayay weerarro.
Madaxwyene Trump ayaa sheegay in duqeymahaasi ay ku burburiyeen godadka ay kooxda daacish ku noolaayeen, isagoo sheegay in sinaba aysan waxyeelo ugu geysan dadka rayidka ah.
"Fariinta ku socota ISIS iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa Mareykanka waana ku dili doonnaa meel kaste," ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
Dhinaca kale, war-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu mahad celiyay hawlgalka Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka ee lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Puntland waxay qirtay in duqeymahan lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish).