Arbaco, February 12, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u hadlay qaar ka mid ah dhacdooyin maalmahii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duuleedkeeda.
Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu si adag u cambaareeyay talaabooyin kala duwan oo ciidamada dowladdu qaadeen oo ay ka mid yihiin is hortaaga shir lagu mideynaayay 5 xibsi, xirnaashaha ganacsiyada Muqdisho iyo weerar lagu dilay 2 ruux oo ka dhacay deegaanka Jasiira ee duuleedka Muqdisho.
"Waa wax laga xumaado oo nasiib daro ah shir ujeedjiisu ahaa mideynta shan xisbi siyaasadeed oo looga hadlayay kaliya mustaqbalka xisbiyada iyo horumarintooda in dowladda ciidamo u dirto oo la hor istaago shirka, taas waxay cadeyneysa in dowladdu aysan daacad ka ahayn qorshaha doorashooyinka qof iyo codka ah, mar hadii la weerarayo xisbiyadii dalka iyagoo shiraya" ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu sidoo kale sheegay Shariif Sheekh Axmed in talaabooyinka ay qaadayaan ciidanka dowladda ay yihiin kuwa baal marsan sharuucda aas aasiga u ah dowladnimada iyo Dastuurka.
"Ciidamadu waxay fulinayaan waa xadgudubyo dowladnimada ka fog, dowladnimada sidaas maha, ciidamadu waxay weerareen masuuliyiin ku sugneyd deegaanada Jasiira oo waxay ku dileen laba ruux aan waxba galabsan, waxay xireen Suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha oo u xiran Canshuuraha tira beelka oo marwalba ay kuso rogeyso ganacsata u baahan in la dhiiragaliyo, waxaas dhan waa talaaboyin ka baxsan nidaamka dowladnimada" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee dalka ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland ay diidan yihiin nidaamka doorashada qof iyo codka ah oo ay dooneyso in dalka ka hirgaliso dowladda Fedaraalka Soomaaliya.