Arbaco, February 12, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan Imaaraatka Carabta, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Raysal Wasaaraha Imaaraatka Carabta, Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, kaas oo ay kaga wada hadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda Imaaraatka Carabta kala hadlay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan amniga Badda Cas, oo dhawaanahan ay waxyeello u geysteen Xuutiyiinta Yemen.
"Wuxuu kala hadlay arrimaha iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, iyo wada-shaqaynta xasilloonida gobolka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Dawladda Imaaraatka ka codsaday in ay Somaliland ka taageerto dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha," ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha uu uga mahadceliyey Dawladda Imaaraatka Carabta marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka.
Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa Madaxweynaha Somaliland ku marti-qaaday ka qaybgalka Shirka Dawladaha Adduunka, oo maalintii labaad ka socda Dubai. Madaxweynaha ayaa shirka ka sheegay in Somaliland ay doonayso inay la macaamisho adduunka oo dhan, aqoonsi raadinta iyo kobcinta dhaqaalaha.
Safarkan waa kii labaad ee muddo bil ka yar uu Madaxweyne Cirro ku tago Imaaraatka Carabta. Imaaraatka oo ah maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland ayuu madaxweynuhu ka rajaynayaa in uu la galo heshiisyo hor leh oo maalgashi ah.