Arbaco, February 12, 2025 (HOL) - Waxaa Magaalada Addis Ababa ka qabsoomay Shirkii Guddiga heer Wasiir ee dib u habaynta musharixiinta ka dhaxeeya dalalka Africa ee u tartamaya kuraasta ka banaan Midowga Africa iyo ururada kale ee Caalamka waxaana shir gudoomisay Dowladda Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar oo shalay ku shir guddoomiyay kulankaan ayaa sheegay in si cadaalad iyo hufnaan ay u kala garsoore doonaan musharixiinta waxaana uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay arintaan hormuud ay ka tahay.
Wasiir Cali Balcad waxaa uu tilmaamay inay jiraan xilal kala duwan oo loo tartamayo sida agaasimaha Africa ee UNESCO, WHO iyo kuwa kale.
"Waxaan fadhigeeni uga doodnay dhowr xilal oo na horyaala sida madaxweynaha Bankiga Africa iyo agaasimaha UNESCO, waxaan rajeenayaa in si cadaalad ah loogu tartami doono xilalkaasi". Ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Ugu dambeyn ayaa waxa uu wasiirka raja wanaagsan uu ka muujiyay in mashaariicda soo socota ay shaqsiyaad Soomaaliya ah u tartami donaan hadii la helo kuwa Soomaaliya quseeya..
Wasiir Cali Balcad waxaa kulanka ku wehliyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, Danjire Cabdullaahi Warfaa iyo Diplomaasiyiin kale duwan oo ka socday Dowladda Soomaaliya, waxaana halkaasi lagu gudoonsiyay Bilad Sharaf howshii adkeeyd ay soo qabteen.