2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2025
Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo gacanta ku dhigay Masuul hore oo waday boonooyin Al-shabaab leedahay
 

Jimco, February 14, 2025 (HOL) - Ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa gacanta ku dhigay guddoomiyihii hore ee deegaanka Ganuribad ee gobolka Hiiraan oo gaari Noha ah ku siday boonooyin ay laheyd kooxda Al-shabaab.

Ninkaan gacanta lagu dhigay oo lagu magacaaba Maxamed Rashiid Cabdi Xuseen ayaa Xalay ciidanka difaaca deegaanka ku  qabteen deegaanka Ceel xeero ee hoos yimaada degmada maxaas ee gobolka Hiiraan.

Boonooyinka lagu qabtay ninkaan ayaa ah kuwa kooxda Al-shabaab lacagaha baada ah ay kaga qaado dadka iyo gaadiid, waxaana ninkaan lagu xiray xabsi ku yaala degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Maxaas ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkaan oo horay usoo noqday guddoomiyaha deegaanka Ganuribad ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falka lagu qabtay.

"Waxaan wadnaa baaritaano ku aadan ninkaan waxa lagu soo qabtay oo ah boonooyin ay Al-shabaab u isticmaasho lacagaha baada ay dadka iyo gaadiidka ku dhibaateeyaan, ciidanka deegaanka oo xogtiisa helay ayaa soo qabtay, wixii kasoo baxo baaritaanka waan soo bandhigi doona" ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Maxaas.

Dadka ku nool Maxaas iyo nawaaxigeeda ayaa maanta si weyn u hadal haaya dhacdadaan oo ah mid la yaab noqotay, xili deegaano ka tirsan gobolka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.