2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2025
Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu soo bandhigay gobolka Gedo
 

Sabti, February 15, 2025 (HOL) - Ciidanka hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa degmada Luuq ee gobolka Gedo maanta kusoo bandhigay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Horjoogajaan la soo bandhigay ayaa isku soo dhiibay ciidanka NISA, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuukar Aadan Buulle oo mudo dhowr sano ka mid ahaa saraakiisha kooxda Al-shabaab.

Abuukar Aadan ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu ku biiray Al-shabaab sanadkii 2015-kii, islamarkaana uu tababar kusoo qaatay tuulada Wargaduudo uuna ka qayb qaatay dagaalo ka dhacay meelo ka mid ah gobolka dalka.

“Tababarka waxaa kusoo qaaday meel la yiraahdo Wargaduudo, kadib Ceel Cadde ayaa ka shaqeynayay muddo 3 sanno ah, sidoo kale waxaa muddo soo noqday taliyaha amniga ee Ceel Cadde, hada aniga ayaa go'aan saday inaan isaga soo baxo Al-shabaab oo aan isa soo dhiibo” ayuu yiri Horjooge Abuukar Aadan Buulle.

Horjooge Abuukar Aadan Buulle ayaa ugu baaqay saaxiibadiisii uu uga soo tagay kooxda Al-shabaab iney isaga soo baxaan Ururka oo ay isku soo dhiibaan gacanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii isa soo dhiibista sarkaalkaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii ay si weyn u soo kordhayeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibaya qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.