Axad, February 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka warbixiyay Shirkii Dowladaha Adduunka ee uu kaga qaybgalay Dubai, ayaa sheegay inuu fariinta aqoonsi-raadinta Somaliland u gudbiyay adduunka.
Madaxweyne Cirro, oo dadweyne iyo madax kula hadlay Madaxtooyada kadib markii uu kasoo laabtay Imaaraatka Sabtidii, ayaa sheegay in Somaliland loo qaabilay sidii dowlad ka tirsan beesha caalamka.
"Dhowr fursadood ayaa ku jiray shirka. Mid waa inaga oo heerka madaxda kale uun laynagu qaabilay, midna wuxuu ahaa fursad layna siiyay in aynu dunida la hadalno iyo dadkii shirka joogay. Anaga oo idinka wakiil ah, waxa aanu fariintiinii gaadhsiinay dadkii kasoo qaybgalay shirka," ayuu yidhi Cirro.
Waxa uu sheegay inuu dunida gaadhsiiyay in Somaliland ay tahay goob u furan inay adduunka la shaqayso, isla markaana diyaar u ah in la maalgashado, isaga oo xusay inuu rajaynayo in fursado waaweyn oo maalgashi ay Somaliland heli doonto kadib shirkan.
"Waxa aan rajaynayaa in in badan oo dunida ka mid ahi ay iman doonto oo ay maalgashan doonto Somaliland. Waxa aynu u sheegnay dunida in aynu nahay dal jiray, isla markaana ka mid noqonaya bulshada caalamka. Shir-doceedyo badan ayaanu la yeelanay dadkii kasoo qaybgalay shirka," ayuu yidhi Cirro.
Shirka Dowladaha Adduunka ee uu madaxweynuhu kaga qaybgalay Imaaraatka ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyay ee uu madaxweyne Somaliland ka qaybgalo, iyadoo Madaxweyne Cirro uu ahaa mid ka mid ah madaxdii ugu horreysay ee hadal ka jeedisay markii shirka la furay.