2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2025
Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo lagu doortay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
 

Axad, February 16, 2025 (HOL) - Madaxda dalalka ku midoobay Ururka Midowga Africa ayaa u doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika doorasho dhowr wareeg ahayd oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay.

Shaashadaha Caalamka gaar ahaan warbaahinta Africa ayaa si toos ah u tebisanaysay Ilaa lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar ayaa ahaa mid qaatay ilaa toddobo wareeg, Musharraxa Madagascar ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii saddexaad.

Wareeggii lixaad ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22 cod halka uu Yuusuf helay 26 cod.

Iyadoo ay qassab tahay in qofka Guddoomiyaha Midowga Afrika noqonayo laga rabo in uu helo saddex meelood laba meel codadka guud ee dalalka Afrika ayaa Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu kaligii u gudbay wareeggii toddobaad, taasi oo keentay in uu kasbado codadkii loogu baahnaa in uu ku noqdo Guddoomiyaha.

Mar uu xalay warbaahinta la hadlayay kadib doorashada oo ka dhacday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayuu Odinga guusha ugu hambalyeeyay Maxamuud waxaana uu yiri "Waan aqbalayaa natiijada codka. Sidaa darteed, aniga qudheyda waan aqbalayaa guul-darrada".

Wasiirkii arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamed oo hadda noqday Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa baddalaya Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.

Dalalka qaaradda oo dhan ma ay ahayn kuwo codaynayay ee waxaa jira dalal aan ka qayb galin codaynta, Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye.