2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2025
Joojinta gargaarka Mareykanka ee USAID oo halis gelinaya barnaamijyada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya
 

Axad, February 16, 2025 (HOL) - Wargeyska Washington Post ayaa daaha ka qaaday maanta isagoo soo xiganaya mas’uuliyiin Mareykan ah, in barnaamijyada ka hortagga argagixisanimada ee ay saameysay xannibaadda gargaarka Mareykanka ee sida gaarka ah loogu talagalay in lagula tacaalo khataraha dhanka ammaanka ah, taasoo ka dhigan in joojintooda ay khatar ku tahay Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah.

Warbixintu waxay tilmaantay in joojinta barnaamijyadan ay halis gelin karto danaha Mareykanka oo ay ku jirto ammaanka boqollaal ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo ciidamadaasi ay wajahayaan caqabado isa soo taraya marka loo eego kororka dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab.

Wargeysku waxa uu sheegay in xannibaadda gargaarka ay sababtay foowdo saldhigyada ku tiirsanaa taageerada Maraykanka, iyadoo qandaraasleyaashii ka shaqaynayey saldhigyada ciidamada Soomaaliya ay si lama filaan ah uga baxeen, kadib markii ay hakad ku yimaaddeen sahaydii iyo agabkii ay u baahnaayeen ee Maraykanku bixin jiray, waxaana ay taas sidoo kale saameyn doontaa 400 oo askari oo ka tirsan ciidamada Soomaalida ee Mareykanka uu tababaro.

Arintaan ayaa kusoo beegantay xilli xasaasi ah oo u baahan in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si looga hortago caqabadaha amni ee ka jira gobolka Geeska Afrika, ilo wareedyo Maraykan ah ayaa xaqiijinaya in joojinta sii socota ee gargaarka USAID ay wiiqi karto dadaallada lagu horumarinayo awoodda ciidamada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaallamayo argagixisada, laguna ilaalinayo danaha Mareykanka.