Axad, February 16, 2025 (HOL) - Hobolada Haboon Nuura, oo ka mid ah kooxda Dayax Band ee ka dhisan magaalada Hargeysa, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya joojisay bandhig faneed ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
Kumannaan shacab ah ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay hobolada, kaddib markii la joojiyay bandhig faneedkii ay ku lahayd Muqdisho, sababo la xidhiidha hees sannadkii hore ay qaadday oo lagu duray magaalada Muqdisho. Haboon ayaa u mahadcelisay shacabka soo dhaweeyay.
"Aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland. Waad ku mahadsan tihiin sida aad ii garab istaagteen iyo jacaylka aad ii muujiseen. Guul iyo gobonimo!" ayay tidhi Haboon.
Qaar ka mid ah dadkii soo dhaweeyay oo ku labisan calanka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay sida fanka iyo siyaasadu ay isugu milmeen, iyaga oo sheegay in hada ka hor isku socodka fannaaniinta Soomaaliyeed uu fiicnaa.
Guddoomiyihii hore ee koox faneedka Xidigaha Geeska, Cabdiraxmaan Xaaji, oo ka mid ahaa kumanaanka qof ee fannaanadda ku qaabilay madaarka Cigaal, ayaa isna sheegay in fanka aan la siyaasadayn jirin wakhtiyadii hore, balse hadda fannaaniintu ay qadiyado kala haystaan.
"Haboon, waxaanu leenahay, halkan ayaa dadkaagii ah, halkan ayaa qarankaagii ah, halkan ayaad cisi iyo sharaf ku leedahay. Barigii hore fanka lama siyaasadayn jirin, laakiin haddii sidaas ay tahay, reer Somaliland qadiyadoodu waa u gaar" ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xaaji.
Qaybo ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa diiday in Haboon ay bandhig ku qabato Muqdisho, kaddib markii ay sannadkii hore kasoo muuqatay hees halku-dhigeedu ahaa "Malihi cadow Xamar ka daran", taas oo lagu duray magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa markaas kaddib joojiyay bandhigii ay qaban lahayd.
Fannaanka Dayar Dalnuurshe, oo sannadkii hore ay shacabka Hargeysa diideen bandhig uu qorsheeyay inuu ku qabto Hargeysa, kaddib hadallo uu ku duray magaalada, ayaa ka mid ahaa dadka baraha bulshada uga ololeeyay in bandhigga Haboon Nuura la joojiyo.