2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2025
Mucaaradka oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaariyay 10,000 askari oo lagu aamusinayo Mucaaradka
 

Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si qarsoodi ah u diyaarisay Ciidamo gaar ah oo gaaraya 10,000 oo Askari, si ay u aamusiyaan, isla-markaana ay u caburiyaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa shaaca ka qaaday inay helayaan xogo sirdoon gudaha ah oo shaaca ka qaadaya in ciidankan si gaar ah loo diyaariyay si ay u beegsadaan siyaasiyiinta Mucaaradka iyo ragga Madaxweyne Xasan Sheekh uu u arkaayo inay kula xifaaltamayaan Siyaasadda dalka.

Waxa uu uga digay Ciidamada Dowladda inay kusoo milmaan Siyaasada waxaana uu carabka ku dhuftay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka waantoobo tallaabooyinkaasi inuu horey ugu soo qaado dhinaca Mucaaradka.

"Ciidan si gaar ah u tababar ayuu qortay Madaxweynaha oo ka madax banaan 3da talis ee Ciidamada Dowladda kuwaasi oo loo diyaariyay inay weeraraan Mucaaradka oo hub ka dhigis ay ku sameeyaan" ayuu yiri Siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka hadlaayay Shir laba maalmood madaxda Xisbiga Himilo Qaran uga socday magaalada Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeeystay eedeymaha kulul ee Mucaaradka ujeedinayeen Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.