Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu duqayn cirka ah ku qaaday kooxda argigixisada ah ee Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmismaad ee gobolka Bari.
Maraykanka ayaa sheegay inuu howlgalkan la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana uu sheegay inuu weerarkan ku dilay labo ka mid ah xubnaha kooxda Daacish.
Sida laga soo xigtay AFRICOM, duqeyntan ma aysan sababin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada weerarka iyo bixinta macluumaad dheeri ah sida ku habboon.
Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda ISIS iyo ururrada kale ee argagixisada, si looga hortago weeraro halis gelin kara Maraykanka, saaxiibadiisa la-hawlgala, iyo shacabka rayidka ah.
Xalay ayay ahayd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay weerarkan, iyadoo sheegtay in lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ay ku leedahay buuraha Calmiskaad.