Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Magaalada Burco ee Somaliland waxaa lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Burco, kaasoo la sheegay in la toogtay isagoo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa ururinta xogta biilasha biyaha guryaha.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Togdheer, Cali Maxamed Faarax, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la soo qabtay nin lagu eedeeyay in uu dilay Maxamuud Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa shaqaalaha wakaaladda.
"Isla markiiba booliisku wuu ka hawlgalay, gacantana wuu kusoo dhigay eedeysanihii iyo hubkii uu isticmaalayba. Hadda waxa uu ku jiraa jeelka, waxaanan ku dhamaynay howshaas muddo kooban gudaheed," ayuu yidhi Taliye Cali.
Wuxuu intaa ku daray in eedeysanaha dilka geystay uu hadda ku xidhan yahay xabsiga magaalada Burco, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeyn doono maxkamadda si loo qaado dacwada loo haysto.
Inkasta oo uusan taliyuhu faahfaahin ka bixin sababta dhabta ah ee keentay dilka, haddana waxaa jira warar sheegaya in uu ka dhashay muran la xidhiidha lacago ay wakaaladdu ku qortay guriga shakhsiga dilka loo haysto.