2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2025
Raysal wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka
 

Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Geneva dalka Switzerland uga qeyb galay wadahadalo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka ee loo soo gaabiyo (WTO).

Soomaaliya ayaa ku biirta Ururkaan Ganacsi waxay u sahleysa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Wadahadalladan ayaa la tilmaamay in dowlada Soomaaliya muddo sugaysay, islamarkaana ay muhiim yihiin dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha, si Soomaaliya ay ila jaan qaado dunida hormartay

Sanadkaan 2025 dowladda Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ku timid doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku dooneyso dib ugu soo laabashada fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ka mid noqotay Ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.