Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa dhammaan shirkadaha soo dajiya dawooyinka, cuntada, iyo agabka la isku qurxiyo kusoo rogtay amarro faraya in dhammaan agabka ay soo dajiyaan uu ugu yaraan 50% cimrigoodu ka hadhsan yahay xilliga ay dhacayaan.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Dhowrista Tayada ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddel iyo dib-u-habayn lagu samaynayo nidaamka iyo heerka tayada dhammaan cuntooyinka, dawooyinka, iyo agabka quruxda ee laga soo dajiyo dekedaha, xuduudaha, iyo madaarrada.
"Dhammaan cuntooyinka marka dalka la soo galinayo waa in ay u hadhsan tahay cimrigooda 60%, dhammaan dawooyinka waa in ay u hadhsan tahay cimrigooda 50%-60%, dhammaan agabka la isku qurxiyo ee la soo dhoofiyo waa in cimrigoodu u hadhsan yahay ugu yaraan 50%." ayaa lagu yidhi qoraalka.
Shacabka Somaliland ayaa si weyn uga cawda alaabooyin dhacay oo dibedaha laga soo dhoofiyo, iyada oo warbaahinta qaarkood ay sameeyeen dabagal ay ku ogaadeen in ganacsatada qaarkood ay soo iibsadaan cunto iyo dawooyin dhacay, kuwaasoo khatar ku ah caafimaadka bulshada.
Xukuumaddii hore ee Somaliland ayaa magaalada Berbera ka hirgelisay shaybaadh casri ah oo lagu baadho tayada cuntooyinka iyo alaabaha kale ee la soo dajiyo. Si kastaba ha ahaatee, wali lama hayo war buuxa oo ku saabsan tayada shaybaadhkaas iyo in si habboon loo hawlgeliyay.