Hiiraan Online
2/21/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in reer Muqdisho u diyaar garoobaan Canshuuro balaaran oo Dowladda ay qaadi doonto
Talaado, February 18, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka reer Muqdisho in todobaadyada soo socda ay u diyaar garoobaan olole weyn oo ay Dowladda ku damacsan tahay inay ku qaado Canshuuro kala duwan cidii bixin weydana iyadu ay ka qaldan tahay Dowladda.
"Hebel iyo hablaayo hadaad maqashaan Canshuuraa loo haystaa ogaada iyagaa garderan ee Dowladda ma gardarna, inta badan dadka canshuurta waa iska bixiyaan lama qabsado, inta lagu dhagan yahay Dowladda iyagaa ka gardaran ee hala yiraahdo Canshuurta iska bixi" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Ganacsatada Soomaaliyeed u sheegay in amaanka goobaha ay ku ganacsadaan ay yihiin Canshuurta dadka laga qaaday oo amaanka lagu sugaayo sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay inay Canshuurta ku waajibtay ay bixiyaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeeyn sheegay in Dowladda la eedeyn karo balse loo baahan yahay in shacabku u heelan yihiin inay Canshuurta bixiyaan si loo sii adkeeyo amaanka guud ee caasimadda.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyadda ay isku haysteen Canshuuro taa oo keentay inay xirmaan Suuqa ugu weyn ee Africa ee Suuqa Bakaaraha iyo qeybo kamid ah suuqyada Xamarweyne iyo Suuq Bacaad.