Talaado, February 18, 2025 (HOL) - Askari ka tirsan Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa ayaa middi ku dilay taliyihii saldhiggaas, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur.
Gaashaanlaha ayaa la dilay xilli uu ku guda jiray shaqadiisa maalinlaha ah, sida ay sheegeen ciidamada booliisku. Booliiska ayaa sheegay in taliyaha si argagax leh loo dilay.
"Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhigga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa gudanayay markii si argagax leh loo dilay" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay booliiska. "Dilka waxa gaystay askari ka tirsan isla Saldhigga Maxamed Mooge."
Qoraalka kasoo baxay ciidanka booliiska ayaa lagu xusay in eedaysanaha loo haysto dilka uu hadda ku jiro gacanta ciidanka, isla markaana si degdeg ah loogu horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Booliiska, taliye ku-xigeennada, hoggaanka iyo saraakiisha Ciidanka ayaa dilka taliyaha ka tacsiyeeyay bulshada iyo Ciidamada Booliiska Somaliland.