Talaado, February 18, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal Xalay ciidamada deegaanka ku beegsadeen hoyga uu magaalada Ceelbuur ka dagan yahay horjoogaha Xisbada kooxda Al-shabaab ee degmada Ceelbuur.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islamarkaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday guri ku dhagan Saldhigga degmada Ceelbuur oo uu dagana horjooge magaciisa lagu sheegay Yaxye Laba Madax.
"Hawlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga Degmada Ceelbuur, waxaana Maleeshiyaadka Khawaarijta lagu gaarsiiyey qasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana markaasi kadib ay Khawaarijtu qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan iney falkan ku lug lahaayeen" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in dhaawac halis ah weerarka lagu gaarsiiyay horjoogaha Xisbada Al-shabaab ee degmada Ceelbuur Yaxye laba madax oo ciidanka deegaanka sida gaarka ah u beegsadeen hoygiisa.
Weerarka ciidanka deegaanka Xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Ceelbuur ayaa kala shaki xoogan ka dhex abuuray kooxda, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay weerarkaas oo u dhaxeysa Al-shabaabka ku wada sugan degmadaas.