2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2025
Puntland oo dalkooda ku celisay tahriibayaal Ethiopian ah oo isku dayay inay soo galaan degaanada Puntland
 

Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Ciidanka amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay koox tahriibayaal ah oo ka soo jeeda Itoobiya kuwaas oo si sharci darro ah uga soo tallaabay xadka dalkooda. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa xaqiijiyay in dadkani isla markiiba dib loogu celiyey Itoobiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xakameynayo tahriibka, xilli ay Puntland haatan dagaal adag kula jirto kooxda Daacish oo ay u dagaalamaayan tiro badan oo Ethiopian ah.

Ilo-wareedyo amni ayaa tilmaamaya in dadkan la qabtay ay isku dayayeen inay sii galaan gudaha Puntland, iyagoo ujeedadoodu tahay inay shaqo ka helaan ama u sii tahriibaan gobollo kale. Inkastoo qaar badan oo kamid ah ay gacanta u galaan kooxda Daacish.

“Waxaan sii wadaynaa tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo xakamaynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah ee keeni kara caqabado dhanka amniga ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada  Puntland.

Tahriibka sharci-darrada ah ayaa weli ah dhibaato weyn oo ka taagan gobolka, iyadoo Puntland ay inta badan tahay marin ay tahriibayaashu u sii maraan dalalka Khaliijka ama gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan.