2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2025
Soomaaliya oo Turkiga kala hadashay horumarinta iyo dib u dhiska Dekadaha dalka
 

Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb: Alper Aktaş.

Kulanka labada masuul dhexmaray ayaa looga arinsaday sidii dib u dhis iyo horumarin loogu sameyn lahaa dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya burburkii ka dhashay dagaalada iyo xaaladaha adag ee uu  soo maray dalka.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Amb; Alper Aktaş ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay ka taageerto sidii loo gaari lahaa himilooyinka horumarinta Dekedaha, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo farsamooyinka Turkiga ee la xiriira maamulka Dekedaha.

"Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa sidoo kale la isla gartay in Wasaaradaha Dekedaha ee Turkiga iyo Soomaaliya ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo horumariyo kaabayaasha dekedaha dalka oo ay ku jiraan casriyeynta qalabka dekedaha, tababarka shaqaalaha, iyo taageerada farsamo ee dhinacyada maamulka iyo hawlgalada dekedaha" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Turkiga iyo balanqaadyada la xiriira horumarinta dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in taageeradaasi ay muhiim u tahay soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee dekedaha Soomaaliya oo saameyn weyn ku leh isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka.