2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2025
Wajigii koowaad ee wada-xaajoodyada farsamo ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ka dhacay Ankara
 

Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareegii koowaad ee wada-hadallada dhinaca farsamada ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu fududeeyay Turkiga, sida ku cad baaqii Ankara ee la ansixiyay December 11, 2024.

Kulamo gaar gaar ah oo uu wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, ayuu ku muujiyay ahmiyadda wada xaajoodka u leeyahay xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in intii lagu guda jiray wareegii koowaad ee wada xaajoodyada farsamada, ay labada wefdi ku muujiyeen sida ay uga go'an tahay dhaqan gelinta heshiiska Ankara.

Turkiga ayaa ku ammaanay Labada wefdi ee ka socda Somaaliya iyo Ethiopia inay qadariyeen ballanqaadka joogtada ah ee Turkiga ee ku aaddan diyaarinta gogoldhigga wada xaajoodyada farsamo ee loo ballansan yahay bisha Maarso ee 2025.

Baaqa Ankara, oo uu garwadeen ka yahay Turkiga, ayaa looga golleeyahay in lagu kobciyo wada-hadallo diblumaasiyadeed iyo in lagu xalliyo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.