Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanka Sala ee is maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera ayaa soo saaray amarro la xiriira xakameynta Khaatka sida cunistiisa iyo ka ganacsigiisa.
Guddiga odayaasha deegaanka ayaa amaradaan soo saaray oo ay warbaahinta la wadaageen waxaana lagu sheegay "in aan khaat lagu dhex gadi karin magaalada dhexdeeda, lagu dhex cuni karin, in nin khaat cuna aan gabar lagu dari karin sidoo kalena aan janaaso lagu tukaneyn".
Aadan Daahiye Qoriyow oo odayaasha deegaanka ka mid ah ayaa BBC da u sheegay "In ninka jaadka cuna aan janaaso lagu tukaneyn waxaan kala jeednaa, kuwa aan salaadda tukan oo sida diinta qabto lagu fulinayo, Qofka jaadka cuna ee salaadda tukada isaga kuma jiro, waa la waaninayaa,".
Odayaasha oo shir jaraa'id qabtay kuna dhawaaqay amarradan ayaa sheegay in khaatku uu dhibaato badan ku hayay deegaankooda, gaar ahaanna dhalinyarada iyo ardayda iskuullada dhigata.
"Waxaan dhammaan dadka deegaanka Sala isku raacnay in la fuliyo amarradan, qofkii fuin waayana uu muteysanayo ciqaab ay ka mid tahay in bulshada laga dhex saarayo," ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha ka hadlay shirka jaraa'id.
Aadan Daahiye ayaa sheegay in kahor inta aysan amarka soo saarin ay sameeyeen wacyigelin ballaaran oo ku aaddan khaatka, taas oo ay haatan ku guuleysteen.
"Ilaa afar bilood ayaan wadnay wacyi-gelinta. Waxaa jiray afar dumar ah iyo hal nin oo magaalada jaad ku iibin jiray, markaan kala hadalnay way naga oggolaadeen oo hadda ganacsiyo kale ayay furteen," ayuu intaa raaciyay.
Odayaasha degaanka ayaa sheegay in ay u maaro waayeen dhalinyaradii iskuulaadka wax ka baran jjrtay oo iyagu si weyn u isticmaalayay khaatka, "Waxaa nagu kallifay ardaydii oo khaatka baratay, kaniiniga daroogada cuneysa iyo haweenkii oo kasoo cabanaya raggooda jaadka cuna oo aan biileynin," ayuu yiri Aadan.