Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala bariga magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.
Howlgalkaan ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaanada kala Doonfuul, Abagbeeday, Dudumaale, Buulo-Kojoor iyo Garas oo ah dhamaantood deegaano hoostaga Bariga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Abaanduulaha guutada 9-aad, Dhame Cilmi Aadan Isaaq oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgalka xubno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay goobaha ay ku dhuumaaleysanaayeen.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay Abaanduulaha in howlgalkaan u jeedkiisu uu ahaa kor u qaadista nabadda iyo amniga gobolka Bakool, islamarkaana ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah.
Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka mid yahay deegaanada ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka wadaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.