2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2025
Qoysas Soomaaliya oo Dowladda ka dalbaday inay Sacuudiga kala xaajooto Soomaali Dil kuxuman
 

Arbaco, February 19, 2025 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad baxyo ay dhigeen Qoysaska muwaadiniin Soomaaliyeed oo xukun dil toogasho ah lagu riday dalka Sacuudi Carabiya, iyaga oo ka codsanaya dowladda Soomaaliya inay gacan ka geysato sidii kuwa ay jeclaayeen looga soo deeyn lahaa xabsiyada Sacuudiga.

Qoysaskaan ayaa watay boorar ay ku xar dhanyihiin erayo baaq ah oo ay Dowladda u dirayeen sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in wiilashoodi xaq darro lagu haysto ayna u baahan yihiin in loo gurmado.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii lasoo dhaafay waxa ay dil toogasho ku fulisay muwaadin Soomaaliyeed oo ay sheegtay in lagu helay dambiyo la xiriira daroogada kaa oo lagu magacaabay Maxamed Nuur Xuseen Gacal, oo lagu helay eeda ah isku day in uu dalka Sacuudiga geliyo xashiish.

Inta ugu badan Qoysaskaan ayaa warbaahinta markii ay la hadlaayeen waxa ay baaqoodi si toos ugu direen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uuna Sacuudiga kala xaajoodi kiisaska wiilashadoodi lagu soo oogay.

45 muwaadin oo Soomaali ah ayaa xabsiyada Sacuudiga ku sugan, waxaana lagu xukumay dil toogasho, intoodi ugu badan waxa ay ku eedeysan yihiin inay dalkaasi Daroogada ay galiyeen.