2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2025
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday hogaanka sare ee Daacish
 

Axad, February 2, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay howgal si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogayaal sare iyo xubno ka tirsan kooxda Daacish (ISIS), kaaso ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciribtirka kooxda Daacish ee halista ku ah guud ahaan gobolka.

“Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo guud ahaan gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalkaan lagu beegsaday shaqsiyaadka muhiimka ah ee Daacish inuu muujinayo sida Soomaaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasilinta gobolka iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha  xagjirka ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxay sido kale sheegtay iney sii wadi doonto howlgalada wadajir ah ee lagu burburinaayo kooxaha loogu yeero argagixisada ee ku sugan Soomaaliya.

"Wadajir, waxaan u sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha xagjirka ah, xoojinta hawlgallada amniga, iyo dhisidda mustaqbal xor ka ah argagixisada.Mareykanka waa saaxiib dhow oo ay qiimo ugu fadhiso amniga dalkeenna, waxaana rajeyneynaa sii wadida iskaashiga arrimaha nabadda iyo amniga gobolka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-