Hiiraan Online
2/21/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
Al shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidamo Dowladda ku leeyihiin Duleedka Adan Yabaal
Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay aroortii ay weerar ku qaadeen Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cali Axmed ee hoostagta Degmada Aadan Yabaal.
Degaanka ayaa waxaa laga ilaaliyaa Degmada Aadan Yabaal oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ku bilowday Qaraxyo aad u xoogan waxaana xigay rasaas toos ah iyo dagaal fool ka fool ah.
Inkastoo wali aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala soo gaaray haddana saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa ciidamada Degaanka ayaa iska caabiyay weerarka ay Al shabaab soo qaadeen.
Al shabaab ayaa xooga soo saartay degaankaan si ay u gaarto Aadan Yabaal oo kamid ahayd saldhigyadii Kooxdaasi laga saaray markii uu bilowday Howlgalka ciribtirka Kooxdaasi oo uu Madaxweynaha Soomaaliya markii dib loo doortay ku dhawaaqay.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleeyda ayaa ku guuleeystay xoreynta dhul balaaran oo Al shabaab ay muddo sanada ah ay ka maamulayeen bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.