2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
NISA oo soo bandhigtay Sawirka iyo macluumaadka Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo ay ku raad joogto

Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Taliska hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa baahiyay sawirka iyo macluumaadka Horjooge lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble oo loo yaqaano Wadaad, kaasoo kooxda Al-shabaab u qaabilsan waxay ugu yeeraan  zakawaatka gobolka Banaadir.

NISA ayaa shaacisay iney si weyn ay ugu raad joogto horjooge Cabdullaahi Wadaad oo ay sheegtay inuu caan ka yahay gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa looga digay shacabka Soomaaliyeed iney la macaamilaan horjoogahaan, islamarkaana aysan ka agdhawaan goobaha uu ku sugan yahay, maadaama dowladda Federaalka ay saartay xanibaad dhan kasta ah.

Horjoogahaan lagu magacaabo Cabdullahi Wadaad oo la tilmaamay inuu si weyn u dhibay ganacsatada ayaa NISA ay sheegtay in qofkii keena xogtiisa inuu heli doono abaalmarin maqaamkeedu sareeyo.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-