2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
Madaxweyne Deni oo amar kusoo saaray in la joojiyo ajaanibta sharci la'aanta kusoo galaysa Puntland
 

Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar kusoo saaray in la joojiyo ajaaniibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan hay’adaha maamulkiisa ee ay khuseyso amarkan in ay ka hawlgalaan si loo dhaqan-geliyo go’aankan lagu mamnuucayo dadka ajaanibta ee sida sharci darrada ah ugu soo qulqulaya degaanada Puntland.

Deni ayaa sheegay in dhawaan lasoo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaaniibta soo gelaysa deegaannada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, weli degaanada Puntland waxaa kusoo qulqulaya muhaajiriin ajaanib ah oo u dhashay badi dalka Ethiopia, kuwaas oo socod lug ah kusoo galaya magaalooyinka Puntland.

Amarkii horey uga soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee lagu mamnuucayay muhaajiriinta ayaa dhaqan gali waayay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dad badan oo ajebi ah oo Puntland soo galay lag arkay magaalooyinka.