Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan weerar ay ururka Al-Shabaab ku soo qaadeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerarradan ay ka dhaceen deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar, iyo Daarunimca.
Waxay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 130 dagaalamayaasha ururka Alshabaab.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in gacanta lagu dhigay hub farabadan oo ay wateen Alshabaab. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay haatan dabagal ku wadaan Shabaabka ku dhuumanaya dhulka keymaha ah.
Dhinaca kale, Alshabaab ayaa bartooda internetka ku shaaciyay inay la wareegeen degaanadan sida Ceel Cali, iyagoo soo babdhigay maydadka askar ciidanka dowladda katirsanaa oo ay ku dileen weerarkooda.
Warka dowladda kasoo baxay ayaa kusoo aadaya iyadoo ciidamada dowladda ay dhawaan Alshabaab ka saareen degaano katirsan Shabeellada Dhexe oo ay ku sugnaayeen.