Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Taliyaha Milateriga Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, iyo Taliyaha Ciidamada Imaaraatka Carabta, Eisa Saif Mohammed Al Mazrouei, ayaa ka wada hadlay iskaashi ciidan oo dhexmara labada dhinac.
"Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliyaha Ciidamada Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale kulankooda kaga wada hadlay sidii ay ciidamada Imaaraatka Carabtu Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarka iyo casriyeynta ciidamada Somaliland," ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Milateriga Somaliland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Imaaraatka Carabtu uu ka caawin doono ciidamada Somaliland dhanka tignoolajiyada milateriga iyo horumarka guud ee la doonayo in Somaliland ay gaadhsiiso ciidankeeda.
Dhinaca kale, Taliyaha Milateriga Somaliland ayaa ka qaybgalaya masrax caalami ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyadda dhanka difaaca iyo iskaashiga amniga, kaas oo lagu qabtay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta, socon doonana ilaa 23-ka February 2025.
Dowladda Imaaraatka Carabta, oo horey boqollaal milyan ugu maalgelisay kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, ayaa la sheegay inay doonayso inay saldhig ciidan ku yeelato Somaliland xili uu sii xoogaysanayo xidhiidhka Imaaraatka iyo Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa labadiisii safar ee ugu horreeyay muddo bil gudaheed ah ku tagay Imaaraatka, iyadoo Abu Dhabi ay suuragelisay inuu ka qayb galo Shirka Caalamiga ah ee Dowladaha Adduunka.