2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay inaan lagula xisaabtami karin Nadaafad darida Caasimadda
 

Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in uu doonayo in shacabka magaalada Caasimadda ah ay soo doortaan hogaamiyahoodi si loo helo in Shacabka ay si toos ula xisaabtami karaan Madaxda ay rabitaankoodi ay kusoo doorteen.

Maanta mar uu ka hadlaayay Gudoomiye Amiir Shirweynaha Wacyigelinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ayaa waxa uu yiri "Jidadka Burbursan iyo Nadaafad xumida magaalada ka jirta iguma qasban kartaan, laakiij haddaa i dooran lahaydeen waa ila xisaabtami lahaydeen".

Shirkaan maanta waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre, xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale oo ay qeyb ka ahaayeen madaxda iyo shaqaalaha G.Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Amiir ayaa markale ku celiyay in Maamulka Banaadir ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod, si ay usoo doortaan hogaanka Maamuli lahaa oo aan ku imaan magacaabis.

Gudoomiye Amiir waxa uu xusay in dhawaan lasoo gaba-gabeeyay asteynta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir oo doorasho shacabka u diyaar garoobaan.