2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
Puntland oo shaacisay inay ururka Daacish ka xoraysay degaanada Dhaqas, Qurac, iyo Damdamle ee gobolka Bari

Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Ciidanka La-dagaalanka Argagixisada Puntland ayaa la wareegay deegaannada Dhaqas, Qurac, iyo Damdamle, kuwaas oo ka tirsan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo muddo 7 sano ah farriisin u ahayd Daacish.

Sida laga soo xigtay ilo-amaanka ah, howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobaha la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda ISIS.

Ciidamada amniga Puntland ayaa dagaal socday ku dhawaad 3 saacadood la galay kooxda Daacish. Waxaana la xaqiijiyey in dagaalkaas ay ku dhinteen xubno ajnabi ah oo ay soo bandhigeen ciidamada. Mas'uuliyiinta amniga waxay sheegeen in Daacish ay uga daba tagayaan meel kaste oo ay ku sugan yihiin.

Dhinaca kale, Labo duqeyn oo cirka ah oo ay diyaraadaha Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ka fuliyeen aagga Damdamaale ayaa lagu dilay 29 dagaalame oo ka tirsan ururka ISIS, sida lagu sheegay qoraal goor dhowayd kasoo baxay howlgalka Hillaac ee ka dhanka ka ah Daacish

Duqeyntii hore ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan ISIS oo ku sugneyd dooxa Damdamaale, halkaas oo ay ku dhinteen toddobo dagaalame. Weerarkii labaad wuxuu ka dhacay gudaha tuulada Damdamaale, waxaana lagu dilay 22 xubnood oo kale.